Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa maanta ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, iyaga oo kusii jeeda Kuwait.
Wafdiga Madaxweynaha ayaa Garoonka Muqdisho, waxa kusii sagootiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo xubno kamid ah Golaha Wasiirada Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa dalka Kuweyt uga qeybgalaya shir Madaxeedka wadamada Jaamacadda Carabta oo dhawaan ka furmi doona magaalada Kuweyt ee xarunta dalka Kuweyt, waxaana Madaxweynaha safarkiisa ku wehliya mudanayaal ka tirsan Baarlamanka.
Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya ayaa kaga horeeya dalka Kuwait, kaasi oo ka qeybgalay shirka Wasiirada arimaha dibada carabta ay dalkaasi ku yeesheen.
Idale New Online