DaawoSawiro Dheeerad ah Ka dib raacdeyntii shabaab, waa sidee xaalada Qoryooley

0
295

Xaaladda degmada Qoryooleey ayaa saaka deggan iyadoo ciidamada XDS iyo kuwa AMISOM oo shalay si buuxda ula wareegay ay weli halkaasi ka wadaan baaritaanno.

qoryooleey

Ciidamada XDS iyo kuwa AMSIOM oo shalay degmada Qoryooleey ka xoreeyay maleeshiyaadka Shabaab ayaa waxa ay fariisimo ka sameysteen duleeddada magaaladaasi, iyagoo wada baaritaano dheeraad ah oo ay ku xaqiijinayaan ammaanka magaaladaasi.

Dadka ku nool degmada Qoryooleey oo u badan Beeraley iyo ganacsato ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaaladaasi,  iyagoo u damaashaadaya guusha ay ciidamadu usoo hooyeen,  waxaana dib usoo laabtay dhaqdhaaqii ganacsiga magaaladaasi.

Degmada Qoryooleey oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ka mid ah meelaha ugu wax soo saarka badan dalka marka la eego dhinaca beeraha oo waxaa mara wabega Shabeelle.

qoryooleey qoryooleey-11 qoryooleey_1 qoryooleey_2 qoryooleey_3 qoryooleey_4 qoryooleey_5

Idale News Online,Qoryooley.