Xudur-Wararka aan ka heleyno deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Bakool ayaa sheegaya in xalay halkaasi ay ka dhaceen Kulamo Ammaanka looga hadlayo.
Kulamadaan oo ay yeesheen Saraakiisha Amniga dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ethiopia ayey iskula meel dhigeen in la xaqiijiyo Nabad Gelyada deegaanada Laga saaray Al Shabaab gacanta lagu soo dhigo kuwa kale ee weli ay Maamulaan Ururka Al Shabaab.
Si kastaba Al Shabaab ayaa weli weeraro ka geysta deegaanno iyo degmooyin gacan ku heyntooda lagala wareegay kadib Howl gal wada jir ah oo ay qaadeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Idale News Online, Xudur.