Muqdisho(Idalenews.com)-Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa ka warbixiyey Howlgalo lagu Qab qabtay Mootooyinka Bajaajka ee Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Max’ed Yuusuf Madaale ayaa sheegay in Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay Gacanta ku hayaan ku dhawaat 200 oo Mooto oo Wadooyinka Muqdisho laga soo qabtay.
Waxaa uu sheegay in Mootooyinkaan ay Qeyb ka yihiin Falalka Amaandaro ee ka dhaca Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.
Afhayeen Madaale ayaa ugu Digniin u diray Mootooyinka Majaajkaa Dadka wada,waxaana uu ugu baaqay in ay si deg deg ah ay isku diiwaan galiyaan,haii kale Tilaabo laga qaadi doon.
Hadalkaan ayaa imaanaya xili Ciidamada Amaanka Soomaaliya ay Howlgalo lagu qab qabtay Mootooyinka Bajaajka uu ka dhacay Muqdisho.
Idale News online , Muqdisho