Dagaal ka dhacay Degmada Buulabarde.

0
213

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-shabaab ayaa Xalay ka dhacay degmada Buulaba Budrde.

ciidanka dowlada Soomaalia
Dagaalka ayaa ka kala dhacay Labada Kontorool ee midna laga baxo,midna laga soo galo ee Magaalada Buulabarde.

Waxaa la sheegay in ay Al-shabaab soo weerareen Fariisimo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ay Degmada ka dagan yihiin Meelaha laga soo galo.

Waxaan la ogeen Khasaaraha ka dhashay Dagaalka Xalay ka dhacay Degmada Buulabarde,ayadoona Isgaarsiinta Degmada ay hawada ka maqan tahay.

Habeen ka hor ayey aheeyd Markii Al-shabaab Degmada ay ku qaadeen Qarax Ismiidaamin ah iyo Weerar Toos ah.

Idale News Online, Buulo Burde.