Madaxweynaha Koonfur Galbeedsoomaaliya oo Maanta Socod Lug Ah Ku Maray Wadooyinka Magaalada Baydhabo Janaay.

0
213

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, Xildhibaano iyo qaar kamid ah Mas’uuliyiinta gobolka Baay ayaa maanta lug kumaray qeybo kamid ah xaafadaha magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha ayaa socdaalkaan ku wehliyeen Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyay Maxamed Ibraahim Xaabsade, Gudoomiye ku xigeenka gobolka Baay Shiine Macalin Nuurow iyo Gudoomiyihii hore ee gobolka Baay C/fitaax Ibraahim Geesay, wuxuuna socdaalkooda ahaa mid ay ku indha indhaynayeen xaalada guud ee magaalada Baydhabo Janaay.

Madaxweynaha ayaa inta uu dhex lugaynayay wadooyinka Baydhabo mid  mid usalaamay shacabweynaha magaalada oo aad ugu faraxsanaa socodaalka Madaxweynaha uu ku indha indhaynayay xaalada magaalada Baydhabo.

Dhanka kale jawiga Magaalada Baydhabo ayaa maanta ahaa mid aad u macaan, oo waxaa maalmahaan ka da’aya Roon lagu diirsaday. si kastaba ha ahaatee,arintani ayaa noqoneysaa tii ugu horeysey ee madaxweynaha ku maro lugta magaalada baydhabo.

shirka baydhaba1

Idale News Online, Baydhaabo Janaay.