Xaflad aad iyo aad loo soo agaasimey isla markaasna ay joob joog ka ahaayeen dhamaan qeybaha kala duwan ee jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Turkiga gaar ahaan dadka kala duwan ee ka soo jeeda gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul ee dalka Turkey.
Xafladda oo aheyd mid taageero loogu muujinaayey dhismaha dowlada goboleedka Koonfur galbeed iyo doorashada gudoomiyaha golaha guurtida, madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, ayaa waxa khudbada kala duwan ka jeediyey ardeyda ka soo jeeda lixda gobol ee maamulka KG ka kooban yahay, iyagoo sheegay in ay garab taagan yihiin isla markaasna ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin madaxda cusub.
Xaflada oo jawi aad u fiican ku soo gabogaboowday ayaa waxaa lagu soo bandhigay fantisiyo kala duwan oo isugu jira, heeso, barnaamijyo ka hadlaayo hiddaha iyo dhaqanka KG Somalia, suugaan xiiso leh iyo cayaaraha caanka ku yihiin dadyowga ku dhaqan KG Somalia.
FG: Sawirada & Xaflada oo dhameystiran Filo Dhawaan
Idale News Online