Cumar Max’ud Cilmi ( Cumar Carabeey ) Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose ee dowladda Soomaaliya oo Wareysi siiyay warhaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku hanjabay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan Ciddi lagu arko iyadoo isbaaro halkaasi soo dhigeyso.
Guddoomiye ku xigeenka ayaa carabka ku adkeeyay in ay horay u qaadeen oo ay ku guuleysteen qaadista qaar ka mid ah Jid gooyooyinkii yiilay Gobolka Shabeelaha Hoose.
Mr Carabeey ayaa ka dalbaday Dhalinyarada ka tirsan Dagaalamayaasha Al Shabaab in ay isku soo dhiibaan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose oo uu sheegay in si wanaagsan ay ula dhaqmi doonaan.
Si kastaba deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa shacabka ku dhaqani waxa ay ka cabanayeen dhibaatooyin kala soo darsa isbaarooyinka iyo weerarada Al Shabaab ay ka geystaan deegaanada Gobolkaasi
Idale News Online, Marka.