Maamul goboleed looga soo horjeedo KG Somalia oo Muqdisho looga dhawaaqey

0
207

Abuukar Mardaadi oo ka soo jeeda beelaha Gare ee Digil ayaa mucaaradka diidan dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia ay ugu doorteen inuu madaxweyne u noqdo maamul ay ugu magac dareen Shabelle State of Somalia.
bananaTreeShirka oo ka dhacey deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa uu socdey seddex cisho oo kaliya. waxaana maalintii koowaad lagu ansixiyey dastuurka uu yeelanaayo, maalintii 2aadna gole guurti, iyadoo maanta ay doorteen madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Madaxweyne ku xigeen ayaa waxaa loo doortay ninkii abuubulka shirka lahaa oo lagu magacaabo Muhiyadiin Xasan Afrax oo ka soo jeeda beelaha Muqdisho, gaar ahaan beesha Mudulood Abgaal, waxaana muuqata in magacaabista maamulkaas looga dan leeyahay in lagu fowdeeyo maamulka muddada sanadka iyo barka uga socday magaalada Baydhabo ergada beelaha kala duwan ee lixda gobol ee Shabeelaha Hoose, Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose, Gedo, Bay iyo Gobolka Bakool.

Gobolada lixda ah ee koonfurta Somalia ayaa leh qeyraad isugu jira dhanka xoolaha, beeraha, badda iyo macaadinka kala duwan, waxaana beelaha Soomaaliyeed dagaal ugu jiraan hanashada siyaasada iyo maamulka goboladaas oo u muuqdo inuu hadda bilowday dagaalkii dhaqaalaha.

Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaan wali go’aan ka soo saarin waxa uu kal yeelaayo gobolada Jubooyinka & Shabeelooyinka oo u muuqda in faraha ay ka sii baxaayaan haddii aysan la imaan siyaasad iyo awood ku aadan deegaanadaas.

Idale News Online, Mogadishu

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here