Maamulka dawlad goboleedka Barqa oo muddo sanad laga joogo ku dhawaaqay inay yihiin, jamhuuriyad ka madax banaan dalka Libya, ayaa markii ugu horaysay bilaabay in shidaalka degaankaasi qaniga ku yahay ay dunida ka iibshaan.
Markab laga leeyahay dalka Kuuriyada Waqooyi, ayaa sida la sheegay ka qaaday dekada Sadar, shidaal lagu qiyaasay 35-kun Oo Barmil taas oo lacag ahaana u dhiganta 36-Milyan oo dollar, xaflad wayn oo loo qabtay dhoofinta shidaalkan, ayaa waxa ka hadlay raysal wasaaraha dawlad goboleedkaas, Abd Rabbo Al Barasi, kaas oo talaabadan ku tilmaamay guul isla markaana sheegay in aanay waxba u dhimayn shuruucda caalamiga ah ee dhoofinta shidaalka ee Libya la gashay dunida.
Dhinaca xukuumada dhexe ee Libya ayaa bayaan ay ka soo saartay magaalada Tripoli, ku tilmaantay shidaalkaas laga dhoofiyay degaankaas, burcad badeednimo iyo weerar qaawan oo lagu soo qaaday khayraadka Libya, waxaanay golaha ammaanka ka codsatay in talaabo laga qaado, sidoo kale maamulka Tripoli ayaa ku hanjabay inay gubi doonaan markabkaas ama bada ku qaban doonaan.
Idale news Online