DEG DEG : Ciidanka AMISOM oo qabsaday degmada Xudur

0
219

Maamulka degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay xaqiijiyeen in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dawlada ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Xudur.

Dagaalo culus ayaa shalay ilaa xalay waxay ka dhacayeen wadada udhaxeysa Ceel Barde iyo Xudur waxaana uu ahaa mid Al shabaab ay ku doonayeen inay Xudur difaacdaan laakiin ay markii dambe iskaga baxeen halkaasi.

Gudoomiyaha magaalada Xudur Maxamed Macalin ayaa xaqiijiyey in ciidankooda iyo kuwa AMISOM ay dagaal la’aan qabsadeen magaaladaasi oo aan ciidanka Al Shabaab kusugneyn markii ay tagayeen sida uu yiri.
Xudar Hadama
Idale News Online, Xudur.