Xiisadii dublamaasiyadeed ee ugu qalafsanayd ayaa haraysay, golaha Iskaashiga Khaliijka Carabta oo ah urur ay ku bahoobeen lixda waddan ee Khaliijka, lana aasaasay sanadkii 1980-kii.
Xiisadan ayaa mar kaliya si kadis ah dibada ugu soo baxday, saacadihii aynu soo dhaafnay, ka dib markii waddamada, Sucuudi Arabia, UAE iyo Bahrain ay mar qura safiiradoodi kala wada baxeen, caasimadda dalka Qatar ee Doha, waxaana warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen sadexda waddan lagu sheegay, in Qatar ka talaabsatay sharcigii u yaalay Golaha Iskaashiga Khaliijka, isla markaana ka waantoobi wayday, cadaawada dalalkan iyo taageerada ay u fidiso, ururada lidiga ku ah deganaanshaha iyo ammaanka mandiqada.
Qatar ayaa dhinaceeda wax lalayaabo ku tilmaantay, waxaana bayaan golaha wasiirada dalkaasi soo saaray, lagu sheegay in caradu aanay ahayn mid ka dhalatay danaha waddamadan sadexda ah oo Qatar ka hor timid, laakiin dalalkaasi ay Qatar kula dagaalayaan arrin ka baxsan iyo itijaah ay ka yeelatay siyaasadeeda arrimaha dibada sida mawqifka Qatar ee dalka Masar.
