Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo kamid ah baarlamaanka dalka ayaa sheegay in dowladda wax safiir ah aanay ku lahayn dalka Baxreyn oo kamid ah wadamada leh deeqaha waxbarasho.
Waxa uu sheegay Dalxa in dalkan safiir aanu u joogin dowladda iyagana Soomaaliyana uusan u joogin taasoo uu ku sifeeyay nasiib darro u soo hoyatay dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo iminka Xasan Sheekh Maxamuud.
Dalxa waxa uu sheegay in dowladda laga doonayo in ay safiir u soo magacawdo dalka Baxreyn si dhallinyaro badan u helaan deeqo waxbarasho.
Waxa uu tilmaamay Pro: Dalxa in dowladda ay ka kacdo hurdada isla markaana dalkan Baxreyn ay dar-dar galiso xiriir fiican oo ay yeeshaan kaasoo intii dalka uu ku jiray bur-burka wax safiir ah uusan jirin oo Soomaaliya u jooga halkaas.
Idale News Online, Muqdisho.