Maxkamadda Ciidanka Ee Puntland oo ridey xukun dil ah.

0
186

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa xukun ku riday askar ka tirsanaa Maamulka oo dilal ka geystay Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Raga maxkamada ciidanka ay xukunada kala kuriday ayaa waxaa lagu magacaaba,sidoo kalena lagu soo eedeeyay arimahan.Maxamad Muuse Faarax ayaa maxkamadda ku eedeysay in uu dil ka gaystay magaalada Bosaso 22-1-2013, kaasi oo uu u gaystay marxuum Cabdirashiid Muuse Maxamad waxa ayna maxkamadda ku xuntay dil toogasho ah
Abshir Axmed Yaasiin ayaa Maxkamadu ku xukuntay 10-sano oo xarig ah waxa uuna ku eedeysnaa in uu dhac ka gaystay magaalada, halka Sharmaarke Cali Xorxore ay maxkamadu ku xukuntay diltoogasho ah ,iyadoo Cabdixakiim Salaad Yaasiin ay Maxkamadu xoriyadiisa dib u siisay,markii lagu waayay dambi lagu soo oogay.Sharmaarke Cali Xorxore oo ka mid ahaa ciidamnada ammaanka oisla markaasna dilka toogasho lagu xakumay ayaa dilay marxuum Yuusuf Salaad Saalim oo ahaa qasnajigii bankiga dhexe ee magaalada Bosaso.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland Cbadifitaax Xaaji Aadan ayaa xukunka ku dhawaaqay.
 
xukun dil
Idale News Online, Putland.