Waxaa galabta Ururka Al Shabaab si rasmi ah loogala wareegay fariisimihii 2-aad ee ugu weynaa, deegaanada ay ka jooggaan Gobolada Koonfureed ee Soomaaliya.
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ay barbar socdaan Ciidamada Dowladda Itoobiya, ayaa dagaal culus kula wareegay gacan ku heynta Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool.
Ciidamadaan, ayaa dagaal culus Ururka Al Shabaab duhurnimadii maanta kula galay Degmada Rabdhuure, iyadoo saacado kadib ay u suurta gashay in ay la wareegaan.
Qabsashada Degmada Rabdhuure ee Gobolka Bakool, ayaa waxay dhabarjab ku noqoneysaa Ururka Al Shabaab, oo la doonaayo in si buuxdo looga wada saaro Koonfurta Soomaaliya.
Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Bakool C/nuur Maxamed Xasan, ayaa wuxuu sheegay in Xoogaga Al Shabaab uu khasaaro xoogan ka soo gaaray dagaalka.
Gudoomiye Ku Xigeenka oo ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo khasaaraha guud ee ka dhashay dagaalkaan, ayaa wuxuu sheegay in ay sii wadi doonaan hawlgalada lagula dagaalamaayo Al Shabaab.
Idale News Online, Bakool.