Dhageyso: Siyaasiga C/hi Max’ed Idiris Leesto oo masuuliyada dagaal ka dhaca Baydhaba sheegay in dowlada federaalka Soomaaliya ay qaadeyso

0
185

Mid ka mid ahaa musharaxiintii looga adkaadey tartanka madaxtinimada Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Somalia C/laahi Maxamed Idiris “Leesto” ayaa dowlada federaalka ugu baaqay in ay ogolaato natiijada doorashadii ka dhacdey magaalada Baydhabo ee lagu doortey madaxweynaha iyo ku xigeenka dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Lesta ayaa ku tilmaamey waxii ka dhacey Baydhabo inay waaqafsaneyd Dastuurka dalka & Sharuucda Federaalka Soomaaliya ku soo heshiisay.
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/03/Leesta1.mp3|autostart=yes]
Leesta ayaa sidoo sheegay in masuuliyada dagaal ka dhaca magaalada Baydhaba ay qaadaneysa dowlada federaalka Soomaaliya, waxuuna sheegay in dadka ku shiraayo hotel bakiin laga soo daabuley magaalada Muqdisho dowladuna ay iyadu masuul ka tahay.

Ugu dambeyntii siyaasiga C/laahi Max’ed Idiris oo horeyna u ahaa xildhibaan ka tirsanaa dowladii kmg ee Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa dadka Koonfur Galbeed ee gudaha iyo dibadaba ugu baaqey in ay garab istaagaan dowlad goboleedka KG si ay u gaarto himilooyinka loo dishay.

Shir muddo sanad iyio bar ka badan ka socday magaalada baydhaba ayaa golihii guurtida ee maamulkaasi nwaxay Madoobe Nuunow u doorteen inuu noqdo madaxweynaha dowlad goboleedkaasi, waxaana dhanka kale ka socda magaalada Baydhabo shir lagu dhisaayo maamul sedex gobol ah kuwaasoo maalinta khamiista ee soo socota wada in ay iyaguna madaxweyne iyo ku xigeen doortaan.
South-Western-State-Flag

Idale News Online, Baydhabo.