Shirka 3da Gobol ee Hotel Bakiin oo maalinta Khamiista dooranaya madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen

0
217

Iyadoo maanta ergada shirka lixda gobol ee Koonfurta Soomaaliya ay u doorteen Madoobe Nuunow Maxamed & Max’ud Sayid Aadan inay noqdaan madaxweynaha & Madaxweyne xigeenka  dowlad goboleedka KG Somalia ayaa haddana waxaa dhinaca kale ee uu shirka lagu dhisaayo seddex gobol ee fadhiya Hotel Bakiin ee magaalada Baydhbo wadaan in maalinta Khamiista doortaan madaxweyne iyo madaxweyne ku xigeen.

Dowlada Federaalka Somalia iyo wakiilka qaramada Midoobey ee Soomaaliya ayaa hadalo ka soo saaray xaalada gobolka Bay ka jirta. Wakiilka UN ee Somalia Nicholas Kay ayaa yiri “Waxaan uga baaqayaa dhammaan dhinacyada ay arrinta khusayso inay si taxadar leh u eegaan ficil kasta oo wax u dhimi kara nabadda,“ isagoo hadalkiis ku daray in waxgaradka iyo shacabku ay ka shaqeeyaan nabadda”

Hase ahaatee kulankii golaha wasiirada oo uu shir gudoominaayey Wasiirka Cadaalada iyo Dastuurka Faarax C/qaadir ayaa soo saarey hadal ku aadan shirarka is diidan ee ka socda magaalada Baydhabo.

Kulanka golaha wasiirada ayaa ahaa mid albaabadu u xiranaa  waxaana markii uu dhamaaday saxaafada la hadlay wasiirka arrimaha gudaha C/laahi Goodax Barre.

Goodax ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay ka go’an tahay inaysan aqbali doonin waxa ka soo baxa shirka maamulka koonfur galbeed ee lixda gobol, balse ay taageereyso dhismaha maamul goboleedka saddexda gobol ee ka kooban Baay, Bakool iyo Shabeelaha Hoose.

Wasiir Goodax ayaa muujiyey welwel ay ka qabaan in amarka dawlada in haddii la raaci waayo in xasilooni darro ay ka timaado gobolada Baay iyo Bakool.

Waxa kulankan uu dhacay xilli saaka magaalada Baydhabo ay ka bilaabatay doorashada madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka maamulka koonfur galbeed ee ka kooban lixda gobol.
golaha WasiiradaDamjadiid

Idale News Online, Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here