Dowladda Itoobiya oo ku dhawaaqday hadal Shabaab wadno qabad ku ah.

0
188

Itoobiya waxa ay sheegtay in ciidamadeeda ay ku sugan yihiin gudaha dalka Soomaaliya, ujeedadana ay tahay sidii Soomaaliya nabad buuxda ay uga dhalin lahaayeen, ayna uciribtiri lahaayeen dagaalamayaasha Shabaab.

Afhayeenka Wasaarada Arrimaha dibada Itoobiya Dia Mufti, ayaa usheegay Warbaahinta in dagaalka adag ee Dowladda Itoobiya ay la gelayso Shabaab uu yahay mid lagu bixiyay maal iyo xoog intaba, guulna laga gaari doono.

Wuxuu kaloo sheegay Afhayeenka Wasaarada arimaha Dibada Itoobiya in ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya qorshahooda uu yahay ciribtirka Al-Shabaabka Dowladda iyo Amisom kasoo horjeeda.

Nabadda Soomaaliya ayuu qeexay inay tahay mid dan uguwada jirta Geeska Afrika oo dhan, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay in lagawada qeyb qaato dagaalada lagula jiro Al-Shabaab.

Ciidamada Itoobiya ayaa hada ku sugan Gobolo kamid ah dalka Soomaaliya, iyaga oo huwan magaca Amisom, waxaana ay isku diyaarinayaan dagaalo ka dhan ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay usheegay inaysan dhagjalaq usiin doonin hanjabaadaha kala duwan ee kasoo yeeraya Dowladda Itoobiya.

Ethiopian-Army

Idale News Online,Addis Ababa.