Maamulka Degmada Warta Nabadda oo codsaday in lagu gacansiiyo ammaanka Degmadaasi

0
215

Guddoomiyaha Degmada Warta nabadda Maamulka Gobolka Banaadir ee dowladda Soomaaliya  Deeq C/qaadir oo Saxaafadda kula hadashay Gudaha Degmadaasi ayaa waxa ay qeybaha kala duwan ee Shacabka ku dhaqan Degmada ka dalbatay in ay kala shaqeeyaan sugida amniga Warta Nabadda.

Guddoomiye deeqo ayaa Xustay in shacabka loo baahan yahay ay ka feejignaadaan dagaalamayaasha Al Shabaab aysanna ka kireynin Guryahooda iyadoo   tilmaamtay in aanu jirin meel sida Al Shabaab ay dhibaatada uga geystaan Muqdisho ay uga dhacaan.

Iyadoo sii wadata hadalkeeda ayey Guddoomiyaha Degmada Warta nabadda Deeqa C/qaadir waxa ka dalbatay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyi gelinta Shacabka ee ku aadan xagga Nabad Gelyada iyo sidii dhalinyarada Al Shabaab ay marin habaabiyeen towga toosan loogu soo celin lahaa sida ay hadalka u dhigtay.

Si kastab Maalmihii u dambeeyay ayaa dhibaatooyin dhanka amniga ah ay ka dhacayeen Magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Warta nabadda oo uu ugu dambeeyay dilkii shalay degmada Gudaheeda loogu geystay Haweeney tallaalka ka shaqeyn jirtay.

Deeqo-

Idale News Online, Muqdisho.