Banaanbax ka dhan ah ciidamada ethopia oo ka dhacay buulo burde gobolka hiiraan ee soo (Sawiro)

0
211

 

Banaanbax jawaab ahaa mid shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa isla shalay isna waxaa uu ka dhacay degmada Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, kaasoo ay soo abaabushay Al-Shabaab.
Dibad baxan oo ahaa mid ballaaran ayaa looga soo horjeeda ciidamada Itoobiya ee ka mid noqday howl galka AMISOM, waxaana dadka ka qeyb galay ka mid ahaa haween xijaaban oo qoriga Ak47 iyo bastoolad ku soo bandhigay dibad baxa.

Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dibad baxan aanu aheyn sida kii Muqdisho oo kale oo dadka xoog lagu soo bixiyay, halka dadka oo qiireysan ay isugu soo baxeen wadooyinka Buulo Burde si ay shucuurtooda u muujiyaan.
Odayaal iyo waxgarad deegaanka caan ka ah ayaa sheegay inay kala qeyb qaadanayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada Itoobiya, waxaana saraakiisha ay dadka ku guubaabinayeen inay ka qeyb qaataan dagaalada.

Al-Shabaab ayaa ka wada gobolada dalka abaabulo xoogan oo ay dadka ugu baraarujinayaan inay dagaalada kala qeyb qaataan.

Idale News Online Mogadishu