General Dhaga Badan oo weerarka afka ah ku qaadaan Xarakada Al-shabaab Dowladana talo usoo jeediyey. (Akhriso+Daawo).

0
243

Tan iyo Wixii ka danbeeyay Weeraradii Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Soomaaliya waxaa Jiray Talooyin Muhiim ah oo La Siinayay Dowlada uu Madaxweynaha ka yahay Xassan Sheikh Maxamuud.

Inta Badan Talooyinka waxa ay ku qotomeen sidii looga feejignaan lahaa weeraro kale oo ay Al-shabaab ka geystaan Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho iyo Sida la isaga kaashan lahaa la dagaalanka xarakada Al-Shabaab.

General C/kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan”, Abaan Duulihii hore ee Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya , ayaa waxa uu weerar afka ah uu ku qaaday Xarakada Al-shabaab.

General Dhaga Badan  oo ka hadlay weerarka ay Al Shabaab ku qaadeen Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxa uu Shabaabku ku eedeeyay inaanay ahayn kuwo xil iyo xoolo doon ah, ha yeeshee ay u socdaan in ay wiiqaan indhihii bulshada Soomaaliyeed.

“Nimanka jid iyo jihadiidkaahu maaha niman ku qancaaya kursi, maaha niman xukun raba, waxaa weeye niman dadka Soomaaliyeed wax-garadkooda, aqoonyahanadooda, hooyooyinka iyo aabayaasha dhiigooda inay cabaan kaliya u baahan. Maaha kuwo kareem/Cream qof u marinaaya.” ayuu yiri Abaan Duulihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

General Dhaga Badan, ayaa sheegay in uu qabo in Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ay halmeel kaga soo wada jeestaan la dagaalanka Xarakada Al Shabaab.

“Waxaan qabaa shacabka Soomaaliyeed, Dowladda iyo Ciidamaduba inay mid noqdaan, oo hal weji looga soo horjeesto.” ayuu General C/kariin kula dardaarmay Dowladda iyo dadka Somaliyeed.

Sidoo kale Warbaahinta, ayuu ku sheegay in ay yihiin kuwo ugu muhiimsan ee loo adeegsan karo la dagaalanka Xarakada Al Shabaab, wuxuuna ugu baaqay in ay qayb ka noqdaan la dagaalanka Xarakada Al-Shabaab.

Dhinaca kale General Dhaga Badan, ayaa Dowladda ugu baaqay in ay Shabaabka ka sifeyso inta u dhaxeyso Muqdisho & Afgooye, Muqdisho iyo Balcad, oo uu xusay in ay ku dhuumaaleysanayaan.

Sidoo kale Generaalka ayaa wuxuu ku baaqay in inta u dhaxeyso Deegaanada Gendershe iyo Ceelasha Biyaha, Miraa Indho Yare ilaa Deegaanada Saqiira, ay lagama maarmaan u tahay in Shabaabka laga saaro, si ay xasilooni uga dhalato Caasimada.

Dhaga-Badan
Idale News Online