AMISOM oo ka baxday degmada Mahadaay iyo Alshabaab kaabiga ku haaya

0
223

Ciidamada AMISOM ayaa gelinkii dambe ee maanta isaga baxay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo caawa laga cabsi qabo in degmadaas ay soo weerareen Al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM oo fariisin ku lahaa degmada ay soo aadeen dhinaca Garoonka diyaaradaha Jowhar oo qiyaastii Mahadaay u jira qiyaastii 13KM.

Lama oga ilaa iyo hada sababaha ay uga soo baxeen degmadaas, hase ahaatee waxaa horay u jiray in Ciidamada AMISOM bishii Janaayo ay intay ka baxeen dib ugu laabtay.

mahadaay

Saraakiil ka tirsan dowladda oo ku sugan degmada Mahadaay ayaa sheegay in ciidamada dowladda ay ku filan yihiin inay degmada ka difaacaan weerar kasta oo Al-Shabaab ka yimaada, inkastoo bishii hore mar Al-Shabaab soo weerareen degmadaas ay saanad hub iyo gaari dagaal ku qabsaday.

Dadka ku dhaqan degmada Mahadaay ayaa sheegay inay ka cabsi qabaan inuu dagaal ka dhaco, isla markaana uu saameyn ku yeesho.

Maalmo ka hor ayaa degmada Mahadaay waxaa ka dhacay dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo Shabaab oo weerar ku soo qaaday.