Qunsulka Cusub ee Somalia u fadhiya dalka Uganda oo kulan la qaatey Saraakiil ka tirsan AMISOM

0
196

Qunsulka Somaaliya u fadhiya dalka Uganda Hassan Shire ayaa xalay casho sharaf ugu sameyey Restaurant Le petit Village ee magaalada Kampala afhayeenka reer Jabuuti ee Ciidamada Amisom Col.Ali Haamud iyo afhayeenka Madaxeynaha Soomaliya Eng. Abdirahmaan Yariisow, taas oo lagu soo bandhigay barta wararka facebook ee Eng. Yarisow.
Waxaa nasiib daro iyo Masiibo Qaran oo ku habsatay Dawaladnimadii luntay ee hadda badigoobkeeda iyo dib u yagledeeda lagu jiro, inay walaalobeen isla markaana isku milmeen, gacmahna is haystaan Mas’uuliyiintii ugu sareysay dalka, kuwii Baarlamaanka, Cidamadii Shisheeya, NGO-yadii, Shaqaalihii Dowlada ee dal iyo dibadba ku sugnaa, Jaajusiintii iyo Sirdoonkii Dowalaha shisheeye ee danaha ka lah dalka, waxaana gacanta ka baxay anashaxii, habmaamuskii, xog dhawridii iyo dhawrsanaantii laga rabay inuu yeesho Mas;uul Dowladeed.
Waxaad modaa in tartan furan loogu jiro kasbashada shaqsiga ah iyo raali galinta dadka Ajaanbika ah, xitaa waxaa la gaaray in loo marxabeeyo oo sidii awliyada ALLAAH loo karaameyo shaqaalaha hoose ee Hayadaha Samfalka iyo Saraakiisha daraja hoose ee Cidamada Shisheeye ee Amisom.

Waxaa ka sii daran in Madaxadii Soomaliyeed Shaydaan maankooda iyo miyirkoodii-ba ka saaray in ay Madax u yihiin Dal iyo Dad burburay oo Soomaliya la yiraahdo, una baahan shaqo adag iyo in si naf hurida loogu adeego shacbiga Soomaliyeed ee Cudurada, Gaajada, Barkaca iyo Colaadu ay daashadeen, lakiin nasiib daro waxay ku jiraan dalxiis iyo tamashle aan dhamaad laheyn iyo Sawiro lagu soo bandhigo Barta Bulshada ee Facebook, oo muujinaya maaweelada iyo dhalanteedka ay ku jiraan habeen iyo maalinba.
Waxaa mudan in la ogaado in kharashka iyo lacagtaa uu Qunsulka ku marti qaadayo askarta Shisheeye ee mushaharka badan qaata, waa macaawimadii Caalamku ugu talo galay in wax loogu qabyo shacbiga dhiban ee Soomaliyeed.
Hoos waxaad ka daawataa Afhayeenka Villa Soomaaliya Eng. Cabdiraxmaan Yariisow oo Facebook-giisa soo dhigey Cashadaas fadeexada ah.