– Magaca Madoobe Nuunow Maxamed
– Ku dhashay Degmada Diinsoor 1948
– Xaas iyo Caruur
A) Heerka Waxbarashada
– Dugsi Hoose – Dhexe – Sare Dinsor / Xamar Hawlwadaag /Xalane 1961/79
– Machadka Culuunta,Siyaasadda Xalane (Political Seines) (DIPLOMA) 1979/1980
– Machadka Maamulka iyo Maareynta Somali Institute Of Development Administration And Management (SIDAM) DIPLOMA One Duration 1984
– Seminaaro iyo Aqoonkororsiyo Sharciga, Maamulka, Siyaasadda, Bulshada iyo Tababaro Ciidanimo,Xafiiskii Xiriirka Dadweynaha iyo kii Siyaasadda ee Abuurista Kaaderiin xagga Siyaasadda iyo Maamulka ee xilligii 1970/1990kii.
– Seminaaro:-Xiriirkii Guud ee Ururada Shaqaalaha Somaliyeed Xaruunta dhexe ee Muqdisho 1976/77
U Gogolxaariddii Aasaaska Xisbigii Hantiwadaagga 1976 iyo Anigoo ka mid ahaa Aasaasayaashii XHKS Shirweynihii Kulliyadda Jaalle Siyaad iyo Xubin Xisbiga ka mid ah.
– Seminaaro:-Ururkii Dhallinyarada Xaruunta dhexe iyo Heer Degmo, gobolka 1972 ilaa 1974
– Ka qaybgel shirar iyo seminaaro aqoonkororsi( ku saabsan hawlaha Dasaatiirta iyo Saxaafadda) kuwaasoo lagu kala qabtay Dalalka Shiinaha,Sudaan, Jarmalka. Kenya, Jabuuti, Sacuudi Carabiya iyo Gudaha Dalka 2007 ilaa 2010ka.
– Ka qaybgel Shirarkii Dibuheshiisiinta Somaliyeed ee waqtiyada kala duwan lagu kala qabtay Dalalka Ethiopia 1993, Djiouti 2000 Kenya 2003 ,Djibouti 2008/9 iyo kuwo dalka Gudihiisa lagu kala qabtay,
B) Waaya-aragnimada Shaqada
– Dhallinyaradii Horseedka SYL ee heer Degmo Diinsoor 1966/8
– Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Karaani ama Xoghayn Guddoomiyaha Degmada Diinsoor 1974ka
– Madaxa Xafiiskii Siyaasadda ee Degmada Diinsoor 1976 /78
– Guddoomiyaha Ururkii Dhallinyarada Kacaanka Soomaliyeed Degmada Diinsoor ,xubin Guddiga Dhallinyarada Gobolka Bay,
– Xoghayaha Warfaafinta Xiriirkii Ururada Shaqaalaha Guddigiisa Degmada Diinsoor,Xubin Guddiga Shaqaalaha Gobol Bay,
– Guddoomiyaha Guddiga Disibilinka Tababaradii Ciidameynta Shaqaalaha Dowladda iyo Ururadii Bulshada ee Xalligii Dowladdii Kacaanka,(oo loo yaqiinay Tababarka Maleeshiyaada)
– Madaxa Laanta Arrimaha Bulshada ee XHKS Degmada Diinsoor 1977/78
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Sablaale Gobolka Shabeellada Hoose 1980/81dii.
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS Degmada Beled Xaawo 1981/83,
– Kaaliyaha Koowaad ee XHKS ee Degmada Diinsoor,
– Guddoomiyaha Golaha Shacbiga (Duqa) Magaalada Diinsoor 1985
– Hawlwadeen XHKS Xaruunta Dhexe ee Xamar,
– Xoghayaha XHKS ahna Guddoomiyaha Maamulka Degmada Cadale ee Gobolka Shabeellada Dhexe 187- 90ka,
– Guddoomiyaha Guddi Samatabixin Degmada Diinsoor Xalligii Burburka billowday 1991- 92
– Guddigii Fulinta Ururkii Boonkaay 1993,
– Abuuris EGAT LNGO Noqdayna Guddoomiye NGO-ga 1994
– Asaasayaashii Shirarkii looga gogolxaaraayey Dowlad Gobleedkii May niin dan e iyo May niin Tala e oo lagu qabtay Baydhabo 1993/94
– Wasiir-Goboleedka Gaadiidka iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedkii lagu dhisay Baydhabo 1994ka
– Asaasayaashii Ururkii RRA 1995
– Guddiga Fulinta ahna Madaxa Hoggaanka Gaadiidka iyo Isgarsiinta Ururka
– Xubin Baarlamaan iyo Guddiga Siyaasadda iyo Maamullada Baarlamaanka TNG Arta 2001
– Xubin Baarlamaan TFG Embgath i Kenya 2004ka
– Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Batroolka Dowladda TFG,2004
– Wasiirka Wasaaaradda Warfaafinta Dowladda TFG 2007
– Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga (Magacaabid) 2008ka,
– Wasiirka Wasaaradda Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Dowladda TFG 2009 ilaa 2010ka.
– Guddoomiyaha Guddiga Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka ee Baarlamaanka 2011
– Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka KMG Somaliya 4/01/2012
– Lataliyaha Arrimaha Siyaasadda ee Baarlamaanka Federaalka 2013/4
– Guddi Farsamo iyo (Steering Committee) Dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Somaliya 2012 ilaa 2014.
Dhammaad.
Idale News Online.
xigashao: Ishabaydhaba.com