Qarax ka dhacey degmada Marka ee Gobolka Sh/Hoose & dagaal qaraar oo AMISOM iyo Shabaab ka dib dhex maray

0
232

War naga soo gaaraya Magaalladda Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya, in Qaraxyo xoogan ay ka dhaceen Deegaano ku yaalla Marko, sidoo kalane ay ka dhaceen Dagaalo u dhexeeyay  AMISOM iyo Alshabaab.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Iska hor’imaadka uu ka dhacay inta u dhexeysa dhanaane iyo Ceel Kaniini kadib Kolonyo Gaadiidka dagaalka oo ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay halkaasi ay weerar dhaba gal ah ku qaadeen dagaalyahanno ka tirsan Ururka Al Shabaab.

Weli ma cadda Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Iska hor’imaadkaasi ku dhexmaray Ciidamada AMISOM iyo Al Shabaab Inta u dhexeysa dhanaane iyo Ceel Kaniini ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhinaca kale Qarax ayaa lala eegtay booyad ay Ciidamada AMISOM wateen oo mareysay qeybo ka tirsan Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose iyadoona wararka ay intaasi ku darayaan in qaraxaasi kadib Ciidamada AMISOM Rasaas fureen taas oo ka dhalatay inta la xaqiijiyay dhaawaca 1 ruux.

 

Idale News Online, Marka, Gobolka Shabeelaha Hoose