Anaadiif oo la kulmay Wasiirro Ka Tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

0
177

Danjiraha Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed Saalax Ana’iif ayaa kulamo la qaatay qaar ka mid ah golaha wasiirrada xukumadda Soomaaliya ayagoo ka wada hadlay howlaha mustqbalka AMISOM ay ka qabanayaan dalka.

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Danjire Mohamed Salax Anna’if ayaa waxaa uu kulan la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya waxa uuna kala hadlay arrimo ay ka mid yihiin sidii AMISOM ay u sii kordhin laheyd taageeradda ay siineyso dowladda iyo qorshaha AMISOM  ee ku aadan taageerada Soomaaliya ee mustaqbalka.

Mas’uuliyiinta uu la kulmay Danjire Anna’if ayaa waxaa  ka mid ah wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka ee xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Faarax Sheekh C/qaadir iyo wasiirka haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha Qadiijo Max’ed Diiriye waxayna ka wada hadleen xoojinta taageeradda AMISOM  ee Soomaaliya.

Kulanka intii uu socday ayaa wakiilka Midowga afrikA waxaa uu si weyn u amaanay dadaalka dowladda federaalka Soomaaliya  ee ku aadan xuquuqda aadanaha, sidoo kale wuxuu tilmaamay in dadaalka ay wado wasaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya ee ku aadan sidii dumarka Soomaaliyeed ay uga badbaadi lahaayeen dhacdooyinka xadguduubka u keeni kara

Sidoo kale danjiraha ayaa waxaa uu kulan la qaatay wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya mudane CF/kariin Xuseen Guuleed, waxaana kulankooda inta uu socday diirada lagu saaray qorshaha AMISOM iyo laamaha amniga dalka ee ah sugida amniga dalka.

anadif

Idale News Online, Muqdisho.