Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo baaraya sababta keentay in 700 oo askari shaqadii laga ceyriyo.

0
169

Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday inay baarayaan sababta keentay in ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka Soomaaliya shaqadii laga ceyriyo.

Guddoomiyaha Guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, ayaa warbaahinta usheegay inay baaritaan ku sameynayaan sababta keentay arintani, iyagoo la wadaagaya Guddigooda Baarlamaanka Soomaaliya arintani.

Xuseen Carab Ciise, ayaa sheegay inay horay ula kulmeen Guddigooda Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga Soomaaliya, iyaga oo doonaye inay ogaadaan tirada ciidanka, iyo qorshaha ciidamada Milateriga ee ku aadan dagaalada lagula jiro Shabaab.

Taliska ciidanka xooga dalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor ku dhawaaqay in shaqadii laga ceyriyay ciidamo gaaraya ilaa 700 oo askari, kuwaasi oo kamid ah ciidanka Milateriga xooga dalka Soomaaliyeed.

Ciidamada shaqada laga ceyriyay ayaa shalay waxa ay dibadbax ka hordhigeen meel ku dhaw aqalka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo isla shalay ciidankaasi ay la kulmeen guddiga difaaca Baarlamaanka Soomaaliya.

Sababta ciidankaasi shaqada looga eryay ayaa taliska ciidanka wuxuu ku sifeeyay gudasho la’aan waajibaadka qaran ee saarnaa.

xuseen_carab_ciise_t1_1

Idale news Online.