Dhageyso: Waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sh/hoose oo ka horyimid in la is raaciyo labada Shabeele

0
208
[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/02/2daShabelle.mp3|autostart=yes]
Kulan balaaran oo ay ka qayb galeen Xildhibaano, Siyaasiyiin,Odayaal dhaqan iyo waxgarad ka soo jeeda gobolka Shabeelaha hoose ayaa waxa uu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Kulankan oo ujeedkiisu ahaa sidii loo muujin lahaa in dadka dega gobolka Shabeelaha hoose ayan marnaba raali ka ahayn isla markaasna aysan ogoleyn in maamul la dhistaan gobolka Shabeelaha dhexe, kaas oo ay ka qayb galeen dad inta badan kasoo jeeda labada shabeele.

Shalay ayay ahayd markii kulan ay ka qaybgaleen Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya, Gudoomiyaasha Gobolada Sh/Hoose iyo Sh/dhexe, Odayaal dhaqmeed iyo Siyaasiyiin ay ku shaaciyeen inay maamul u samayndoonaan labada shabeele

shirka_juba_4

Idale News Online