Dadka Reer Muqdisho oo hadalka ka soo yeeray Taliyaha ciidanka Booliiska ku tilmaamey masuuliyad daro iyo Jees Jees

0
190

Dadka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si caro leh uga jawaabey hadal ka soo yeeray qaar ka mid ah masuuliyiinta amniga ee dowlada federaalka Soomaaliya, kaasoo ku aadanaa qaraxyadii ka dhacey labadii habeen ee la soo dhaafey qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir iney ahaayeen bululeer ama hubka macmilka ah ee cirka loo rido.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Saacid oo mar sii horeysay ka hadlaayey qaraxyadii lala beegsadey qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay ahaayeen bululeer ama baaruuda ciyaarka ay cirka u gemaan xiliyada ciidaha. Hadalkaas ayaa dhaliyey caro, waxaan durbadiiba ka hadley C/laahi Sheekh Xasan, siyaasiyiin iyo waxgarad kale oo ku dhaqan magaalada Muqdisho, waxayna ku tilmaamaan mid jees jees ah oo dhimashada dadka rayidka ah aan dan iyo heelo laga laheyn, isla markaasna masuuliyiinta qaranka qiil u yeelaayaan wax qabad xumida iyo tabar darida dowlada federaalka gaar ahaan hay’ada amniga dowlada.

“Haddii aan qofna loo casilin qaraxyadii labadii habeen dhacey, waxaanu u aragnaa in dowladu waxqabad la’aan ay rabto inay iska sii joogto”. sidaas waxaa yiri C/laahi Sheikh Xasan oo ah gudoomiyaha xisbiga Nabadda & Cadaalada. Isagoo sii hadlaayay ayaa sidoo kale yiri “Haddii isbedel lagu sameeyey xukuumadii hore welina aan amniga caasimada awood loo hayn, meesha waa in madaxda sare baneeyeen oo ay is casilaan”

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa labadii habeen ee ugu dambeysay ka dhacaayey qaraxyo iyo hoobiyayaal lagu bartilmaameedsanaayey xarumaha dowlada, iyadoo qaar ka mid ah madaafiicdii habowga aheyd ee lala waayey goobaha dowlada ay ku dhaceen guryo ay shacabku leeyihiin iyo meel banaan. Waxaana inta la ogyahay qaraxyadii habeenkii ugu dambeeyey ku dhintay ilaa 5 qof halka dad kale oo dhaawac uu ka soo gaareyna ay jiraan.

dabMuqdisho

Ma jirto ilaa iyo hadda wax talaabo ah oo muuqda oo xukuumada cusub ay ka qaadey xaalada amni daro ee magaalada ku soo korortey, waxaan xukuumadu dhowaan sheegtay in dalka oo dhan ay amaan ka dhigi doonto ka hor dhamaadka sanadkaan 2014 taasoo dadka Soomaaliyeed durbaba ay shaki ka muujiyeen sida ay uga dhabeyn karaan maadaama xarumihii dowlada ee caasimada magaalada Muqdisho ay madaafiic ku soo hoobanayaan habeenada qaar.

Idale News Online, Mogadishu