Baydhaba:Boqolaal ka mid ah Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group ee Dowladda Federalka ee Soomaaliya , ayaa waxay Dowladdu geysay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Ciidankaan, ayaa gelinkii dambe Axadii shalay laga dejiyay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Baydhabo, markii ay diyaarad ka daabushay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Ciidamada Alpha Group, ayaa xalay lagu arkaayay Garoonka Baydhabo iyo Control-ka hore ee Magaalada laga soo galo, xilli ay hawlgal ka wadeen.
Ilo wareedyo muhiim ah, ayaa Shabakadda Idale News Online u sheegay in Ciidamada Alpha Group ay xoojinayaan ammaanka, labada goobood ee ay xilligaan ka jooggaan Magaalada Baydhabo.
Warar kala duwan, ayaa waxay ka soo baxayaan ujeedada xilligaan Magaalada Baydhabo loo geeyay, Ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Alpha Group.
Wararka qaar waxay sheegayaan in Madax ka socoto Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo, halka warar kalana ay sheegayaan in wefdi heer caalami ah, ay socdaal ku taggi doonaan Baydhabo. Si ay kulamo ugula qaataan Odayaasha Golaha Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta Deegaanka.
Idale News Online Baydhaba