Taariikh Noolaleedka RW hore Ee soomaaliya Cabdirisaaq xaaji Xuuseen xasan.

0
282

C/risaaq Xaaji Xussein Xassan wuxuu ku dhashay magaalada Gaalkacyo egobolka Mudug ee dalka Soomaaliya, sanadku markuu ahaa 1924tii. Ka dib markii ay koofurta dalka Soomaaliya ka bilowdeen dhaqdhaqaaqyadii gobannimodoonka Soomaaliyeed horraantii sanadkii 1943dii.

marxuunXuseen

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu xubin firfircoon ka dhaqdhaqaaqii xornimadoonka Soomaaliyeed ee Somali Youth League ee “SYL”, wuxuuna ka mid ahaa saraakiishii ay maamulkii maxmiyadda ee Qaramada Midoobay ee la oran jiray United Nations Trusteeship of Italy sida weyn ula shaqeyn jiray.

Sidoo kale wuxuu xubin baarlamaan ka noqday baarlamaannadii rayidka ahaa ee dowladihii madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan & C/rashiid Cali Sharmaarke, wuxuuna dalka ra’iisul wasaare ka noqday dalka Soomaaliya muddadii u dhaxeysay 14kii bishii June sanadkii 1964tii illaa 15kii bishii July sanadkii 1967dii.

 

Abdirisak_Xaaji_Xussein_Somalia

Ka dib afgembigii aan dhiigga ku daadan ee ay ciidamada kula wareegeen awoodda dalka Soomaaliya C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii loo taxaabay xabsi guriga, muddo ka dibse laga sii daayay.

Dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre danjirihii dalka Soomaaliya u fadhin jiray Golaha Guud ee Qaramada Midoobay dabayaaqadii sanadihii 1976dii illaa 1978dii, wixii intaas ka dambeeyayna wax mas’uuliyad ah kama qaban gudaha dalka Soomaaliya.

Markii la riday dowladdii dhexe ee dalka Soomaaliya MD. C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa odayaashii Soomaaliyeed ee dadaalka u galay dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliyeed isla markaana wax ka saxiixay shirarkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Djibouti ee dalka jamhuuriyadda Jibouti.

C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ka mid ahaa xubnihii isu soo sharaxay in ay hoggaamiyaan dhismihii maamul gobolleedka Soomaaliyeed ee Puntland ee la dhisay bishii August sanadkii 1998dii, wuxuuna siyaasadda isaga fariistay ka dib markii uu kaga guuleystay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Col. C/llaahi Yuusuf Axmed.

Dhismihii dowladdii madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti bishii August sanadkii 2000 waxaa loo magacaabay in uu xubin ka noqdo guddi ka koobnaa 25 xubnood, guddigaas oo la oran jiray National Commission for Reconciliation & Property Settlement of Somalia, taariikhdu markii ay aheyd 6dii bishii May, sanadkii 2001da, arrintaas oo ay si weyn uga soo horjeestay maamulkii Puntland ee Col. C/llaahi Yuusuf, wuxuuna C/risaaq Xaaji Xussein xilkaasi si buuxda isaga casilay 25kii bishii July, sanadkii 2001.

Aadan Adde Abdirisak Haji & Nakruma of Gana

 

Madaxweyne Aaden Cadde & ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein & madaxweynaha
dalka Ghana, President Nakruma

 

Ra’iisul wasaare C/risaaq Xaaji Xussein wuxuu ku nool yahay waqtigan la joogo magaalada Minneapolis  ee dalka Mareykanka, isaga oo ay da’diisu tahay 85 jir.

Isha Qoraalkan
C/casiis cali Ibrahim “Xildhiban”.

Idale News Online