Nicholos Kay oo Ka hadley xaalada Baydhaba janaay&Codsadeyna In Muddo Afar Maalmood Ah La Sugo.

0
185

Ergaygga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramadda Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nikolas Kay ayaa maanta ka hadlay xiisadda isa soo tareysa ee ka jirta magaaladda Baydhabo ee la xiriirta shirka looga hadlayo dhismaha Maamul uu yeesho Koonfur Galbeed Soomaaliya ee ku saleysan nidaamka Federaalka.

Nicholos Kay ayaa ugu baaqay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso inay muujiyaan deggenaansho, ayna ka wada hadlaan taageeridda dadaallada ku aaddan dib-u-heshiisiinta.
Nokolas Kay wuxuu soo jeediyay inaan la qaadin tallaabo wax u dhimeysa geeddi socodka nabadda iyo habka lagu dhisayo dowladnimada.

Wuxuu sheegay Nicholos inuu fahamsan yahay baahida loo qabo inay si dhaqso leh ay Baydhabo ugu kulmaan dhinacyada ay arrintu khusayso, si wax looga qabto dareenka dhabta ah ee jira iyo rabitaanka dhinacyadda oo dhan.

Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u Qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee Nikolas Kay wuxuu ugu dambeyn sheegay in xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya uu taageerayo xoojinta wada hadalka iyo dib-u-heshiisiinta.

nicholas-kay

Idale News Online, Addis Ababa