Xilli 3-dii maalmood ee la soo dhaafay ay Gobolka Shabeellaha Hoose ka dhacayeen iska horimaadyo u dhaxeeya Ciidanka Dowladda, ayaa waxaa ka hadlay Mudane ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo caawa la hadlay Warbaahinta, ayaa wuxuu wax laga xumaado uu ku tilmaamay dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Dowladda, ee ku soo badanaaya Gobolka Shabeellaha Hoose.
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow, ayaa ku baaqay in si deg deg ah lagu joojiyo iska horimaadyada ka dhacaaya deegaanada ay Dowladdu ka joogto Shabeellaha Hoose.
Sidoo kale wuxuu sheegay inaysan wax wanaagsan ahayn in Ciidankii Dowladda, ay maanta iyagii isku soo jeestaan, bedelkii ay la dagaalami lahaayeen cadowga Ummada Somaliyeed, sida uu yiri.
Daahir Amiin Jeesoow, ayaa Dowladda ka codsaday in ay wax ka qabato Ciidanka isku ugaarsanaaya, goobaha ay kaga sugan tahay Gobolka Shabeellaha Hoose.
Idale News Online, Muqdisho.