Baydhaba: ka dib mudaahaaraad jil- jilay xeeraha xarunta ADC ee shirka maamul u sameynta koonfur galbeed soomaaliya, ka socoto ayaa ciidamada AMSOM dadweynaha reer Baydhaba ku qasbey ciidamada AMISOM in ay isaga huleelaan xuranta ADC, oo ay maanta is hor istaag ku sameeyeen ergada shirka.
Boqolaal caruur ah , haween iyo dhalan yaro ah oo aad u careysaa ayaa mar quraa waxay ku soo xoobmeey inta u dhexeyso isbitaalka degmada baydhabo& xarunta ADC, Kuwaasoo sitay, sida la sheegey budad , baangado iyo waramo, islamar kaasna waxay gubeen taayeero, waxayn ku dhawaaqeyeen hal ku dhigyo lid ku ah dowlada muqdisho fadhida.
is riix riix ka dib , waxa meeshaas soo gaarey gudiga hagaya shirka maamul u sameynta koonfur galbeed soomaliya. dadaal badan ka dib ciidamada AMISON ayaa isaga huleelen goobta.
dhan kale, odayaasha lixda gobol ayaa loo ogolaadey in ay gudaha ugalaan goobta , waxayna go’aan adag ka yeeshen arintani,waxaya ku baaqen in ay sameystaan ciidamo gaar ah oo ilaalinayo amaankooda.
xasan basha
Idale News Online, Baydhaba.