Warar goor dhaweyd soo gaaraya Raxanreeb Online,waxaa ay sheegayaan in Sheekh Xassan Dahir Aweys,muddo kaddib laga siidayey xarunta nabadsugida oo uu toddobo bilood ku xirna.
Xarunta hay’adda nabad suggida ee degmada shibis ee gobolka Banaadir, oo muddooyinkaanba lagu haayay hoggaamiyihii hore ee ururka xisbul Islaam, ayaa laga sii daayay.
Sheekha,ayaa ku jiray mudada gacanta dowladda Soomaaliya,waxaana wararku ay intaas ku darayaan in xilli fiidkii caawa ah laga saaray xarunta gurigii habar Khadiijo,halkaaso ah taliska ciidamada nabadsugida.
Ilaa hadda lama xaqiijiyin halka la geeyey Xassan Dahir Aweys,kaddib markii laga saaray halkii uu ku xirna,waxaana la xajiyey in goob kale la geeyey oo an la shaacin.
Sidoo kale waxaan ilaa hadda aysan jirin cid si madaxbanaan u xaqiijisay siideynta wadaadka oo gacanta dowladda ku jiray,halka warar soo baxaya ay sheegayan in ilaalo gaar ha loo sameeyey kuwaaso ku hayn-doona guri gooni u ah.
Ma jiro sidoo kale wax war ah oo dowladda ka soo baxay,kaaso ku aadan siideynta Xassan Dahir.
Siideyta Xassan Dahir Aweys,su’aallaha la isweydiinayo waxaa ka mid ah inuu aqbalay shuruudihii dowladda hor dhigtay ee ku saabsanaa sii deyntiisa iyo inkale.
Waxaa soo baxaya sidoo kale in loo wareejiyay guri ku yaalla magaalada Muqdisho oo xabsi guri ahaan loogu hayn doono,taaso meesha ka saaraysa in wadadka oo horey uga tirsanaa saraakiisha Al-Shabaab xoriyadiisa la siiyey,balse wixii war ah ee ku soo kordha kala soco IdaleNews Online