Golaha Guurtida ee Dowlad Goboleedka KG soomaaliya oo maanta si rasmi ahi loo dhaariyey(Akhriso).

0
219

Baydhaba: Shirka dowlad goboleedka koonfur galbeed soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ahi waxaa loo dhaariyey gobolaha Guurtida ee KG soomaaliya ; kuwaasoo  ka kooban sida la sheegey 6o xubnood oo ay isugu soo dhex xuleen dhamaan beelaha wada dega 6da Gobol ee KG soomaaliya.

Xaflada Dhaarinta maanta waxa ka soo qiib galey, waxgarad,siyaasiyiin, ergada shirka oo tiradoodu ay gaareyso 1005 nuux iyo qiibaha kala gedisan ee bulshada ku dhaqan Magaalada caasimada ahi Baydhaba janaay.

Guud ahaan nidaamka dowlad Goboleedka KG soomaaliya, ayaa waxa uu ka kooban yahay labo golle  sare, waa Golaha guurtida & Baarlamanka.  waxaana xaflada dhaarinta maanta  ku soo idlaatey jawi wanaagsan.

Maalin dhaweyd ayey ahayd ka dib markii la saarey calanka dowlad koonfur galbeed soomaaliya, iyo sidoo kale  horey waxa loo ansaxiyey dastuurka  maamulkaasi uu yeeshey.

sidoo kale waxa goobta xaflada dhaarinta  golaha guurtada koonfur galbeed soomaaliya,ka socotey ay  ku soo  bandhigeen Fanaaninta Gobolada Arlaadi: gabayo, heeso iyo weliba guubaabo ku aadana qiimaha ay lee yihiin  nadbada iyo hormarka.

Ugu dameyntii golaha guurtida  KG soomaaliya ayaa dooran doona dhawaan madaxweynaha Dowlada  koonfur galbeed soomaliya iyo ku xigeenkiisa, waana  tani guul taariikh ahi oo ay  sameeyeen odayaasha iyo siyaasiyiin mug weyn ku leh bulshada KG soomaaliya.

SHIRKA  BADYHABA

xasan basha ismaciil.

idale News Online, Baydhaba.