Gudoomiyaha Baarlamaanka oo ka qeybalay Salaad Janaaso oo lagu tukaday Garyaqaan Marxuum Dr.C/raxmaan Maxame Cumarow.

0
189

Allaha unaxariistee waxaa maanta Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka laga soo dejiyay meydka marxuum Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar oo ahaan jiray garyaqaankii guud ee Dowladii dhexe ee dalka.

Salaada Janaasada meydka marxuumka waxaa Garoonka Muqdisho kula dukaday Kusimaha Madaxweynaha dalka ahna afhayeenka Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka, ayaa Alle uga baryay marxuumka geeriyooday inuu janadii Fardoowse Eebe uu ka waraabiyo eheladiisana sabar iyo Iimaan.

Marxuum C/raxmaan Maxamed Cumar, ayaa lagu wadaa in lagu aaso Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose, waxaana uu ku dhashay deegaanka Beladul Amiin oo ku dhaw Wanlaweyn.

Haddii aan soo koobno Taariikhda garyaqaankii guud ee dowladdii dhexe ee Soomaaliya Marxmuun C/raxmaan Maxamed Cumar waxa uu ku dhashay tuulada Beledul Amiin oo qiyaastii degmada Wanlaweyn u jirta 11km dhanka galbeed sanadkii 1934 tii, waxaana uu waxbarashadiisa Qur’aanka kariimka ku qaatay isla deegaanka Beledul Amiin, kaddibna isaga oo xir ah waxa uu soo gaaray magaalada Muqdisho si uu u siyaadsado waxbarashadiisa dhanka Diiniga ah.

Marxuumka ayaa 14kii bishaan ku geeriyooday dalka Boqortooyda Sacuudiga, isagoo ifka kaga tegay saddex gabdhood iyo labo will iyo waxa ay sii dhaleen

marxuum1

Idale News Online