Madoobe Nuunow Maxamed Oo Difaacey Qadiyada Dad weynaha KG soomaaliya.

0
245

Baydhaba: Ayaadoo  dhawaan wareysi xiiso badan  Idaacada ku hadasha Afka dowlada ingiriiska  ee BBC laanta Afka soomaaliya ay la yeelatay Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Steering Commitee ee shirka Baydhabo janaay Mudane Madoobe Nuunow Maxamed, kuwaasoo wax ka way disey arimo ku saabsan dhsimaha dowlad Goboleedka KG soomaaliya, ayaa waxa si aan gegebo lahay ugu war bixinyey madoobe nuunow.

Madoobe nuunow  maxamed ayaa  sidoo kale xusey in rabitaaanka bulshada lexda Gobol ay tahay in ay dhistaan maamulka ku saleysan, calaad iyo sinaan  ee KG soomaaaliya , waxaana maashaasai ka saarey, maamulka jubba ee hadda taliya Magaalada  kismaayo, islmarkaana waxa uu ku nuxnuxsadey in aaney maamulkaasi  ku dhisneyn rabitaanka bulshada jubooyinka balse yuuri ay soo dhoob dhoobeen qaar ka mid ah  dowladaha dariska la ah  dalaka soomaaliya oo ay hormuud ka tahay kenya.

Wareysigaaasi oo qaadayay weriye Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa umuuqday mid weerar ku ahaa dhismaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaali ya kaasoo gebogebo maraayo, islamarkaana shaley la saarey calanka Dowlada KG soomaaliya.

Ugu dambeyntii  Madoobe Nuunow  Maxamed ayaa isna si adag u difaacay qadiyadda dad weynaha koonfur galbeed soomaliay , waxaana dowlada iyo kuwa doonaya xasiloonida Koonfurta&Koonfur galbeed ugu baaqey in ay yimaadaan shirka baydhaba janaay.

Calanka KGS

xasan Basha.

Idale News Online, Baydhaba