Wasiirka Gaashaandhiga oo xaflad ballaaran kula wareegay Xafiiska Shaqada (Daawo Sawirada).

0
240

Muqdisho:Wasaarada Gaashaandhiga ee Somaliya Maxamed Sheekh Xasan Xaamuud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugala wareegay Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Wasiirka, ayaa xilka waxa uu kula wareegay Munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee Gobolka Banaadir, oo ku taala Degmada Hodan.

Munaasabadaan, ayaa waxaa ka soo qaybgalay Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Awqaafta Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed, Wasiiru dowlaha gaashaandhiga Maxamed Cali Xaggaa, Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Gaashaandhiga C/laahi Xuseen, Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka General Daahir Aadan Cilmi iyo marti sharaf kale.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo Madasha Munaasabada ku soo dhaweeyay Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga, ayaa wuxuu si rasmi ah uu ugu wareejiyay xilka.

Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga, ayaa waxa uu ku ammaanay Wasiirkii hore mudadii uu shaqada soo haayay, wixii u qabsoomay, inta kalana ay iyagu sii dhameystiri doonaan.

Wasiir Xaamuud, ayaa dhinaca kale fariin u diray Ciidanka Xoogga Dalka, wuxuuna sheegay in ay soo gaareen warar ka dhan ah, wuxuuse kula dardaarmay in wixii sumcad xumo ku keeni kara magaca Ciidanka Xoogga Dalka, ay isaga fogaadaan.

General Indha qarshe oo sidoo kale ka hadlay Munaasabadaan, ayaa wuxuu balanqaaday in ay si diiran ula shaqayn doonaan Wasiirka cusub ee loo soo magacaabay Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

tli77tli60tli61tli63tli64tli65tli67tli69tli71tli73