Muqdisho:Dowlada Turkiga ayaa dib u dhis iyo dayactir balaaran waxa ay ku sameesay Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho kaa oo hada kamid noqonaya mid kamid ah Isbitaalada ugu casriyeesan ee kuyaala Geeska Afrika.
Isbitaalka Digfeer ayaa hada la dhameestiray iyadoona lasoo dhigay qalab casri ah oo loogu tala galay Isbitaalada waa weyn Caalamka , waxaana gudaha Isbitaalka ka muuqdo Muuqaalo aad u qurxoon oo soo jiidanaya qofkii galaa.
Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad uga mahad celiyay Dowlada Turkiga Mashaariicda waa weyn ee ka fulisay gudaha Soomaaliya sida dhismooyinka Laamiyada Muqdisho , goobaha Caafimaadka iyo goobaha waxbarashada.
Idale News Online, Muqdisho.