Ciidamo isugu jiro Boolis iyo Malitiga DF soomaaliya oo ku guuleystay inay qaadaan Isbaarooyinkii yiiley inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

0
197

Afgooye:Ciidamada Booliska, Nabadsugida iyo Milateriga oo wada jir ah ayaa maanta ku guuleystay inay qaadaan Isbaarooyin yaalay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye, kaasoo hakad geliyay isu socodkii wadadaas, isla markaana ay shaqo joojin sameeyaan darawalada gaadiidka BL-ka.

Sida ay sheegayaan wararka ciidamadan oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka ayaa saaka qaaday howl gal ballaaran, waxaana ay ku guuleysteen inay si deg deg ah u qaadaan isbaarooyinka la soo dhigay wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ee ka qeyb qaadanayay howl galkaas ayaa sheegay in wixii isbaaro ee wadadaas yaalay la qaaday, isla markaana la xareeyay ciidankii isbaarada dhiganayay.

Gudoomiyaha deegaanka Ceelasha Biyaha Ibraahim Maxamuud Guuleed ayaa sheegay inay ciidamada ku guuleysteen in la qaado isbaarooyinka, isla markaana aanay jirin wax isbaaro oo wadada taala xilligan

Ciidamada saakay waxay ku guuleysteen inay qaadaan isbaarooyinka, mana jirto wax isbaaro oo wadada taal, mana na soo gaarin wax war ah in wadada ilaa iyo hada wax dhibaato ah ka dhaceen”ayuu yiri.

Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa waxaa isa soo tarayay cabashada gaadiidleyda ka muujinayaan wadadaas, kadib markii la soo dhigay jidgooyooyin fara badan oo lagu qaadayay lacago sharci daro ah, taasoo keentay inay shaqo joojin ay sameeyaan darawalada gaadiidka ee wadada ka shaqeeya.

isbaaro

Idale News Online, Afgooye