[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/01/marka.mp3|autostart=yes]
Gudoomiyaha degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose Cismaan Yariisoow oo tilmaamey ciidamada dolwada federaalka ee ka howlgala gobolkaasi inay ku kacaan falal isugu jira dil, kufsi iyo isbaaro joogto ah oo dadka wadooyinka gobolka ku safra loo gaysto. Waxuuna Gudoomiyuhu sheegay in marar badan ay arrimahaaani ay soo noqnoqdeen, masuuliyiinta dowlada federaalka ay ku wargeliyeen tacadiyada ciidamada dowlada ay gestaan hase ahaatee aysan waxba ka qaban.
Yariisow ayaa sidoo kale eedeeyey gudoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose Siidi, iska ku tilmaamey inuu masuuliyadii shacabka gobolka ka saarnaa uu gabey, isla markaasna sheegay inuusan gobolka imaanin oo hoteelada magaalada Muqdisho ku raaceysanaayo.
Dagaalo soo noqnoqdey iyo isbaarooyin waxyeelo loogu geysto dadka shacabka ee gobolkaas ayaa in muddo ah ka jiray gobolka shabeelaha Hoose, ma jiraan talaabo rasmi ah oo arrimahaasi lagu joojinaayo oo ay masuuliyiinta dowlada federaalka iyo kuwa gobolka ka geysteen marka laga reebo baaqo iyo fariimo laga sii daayo idaacada maxaliga ee gudaha dalka.
Idale News Online