Dib u dhac ku yimi maanta dhaarinta Gollaha Guurtida ee Maamulka KG soomaaliya& Wefdi balaaran oo ku wajahan Baydhabo beri.

0
194

Baydhaba:Waxaa maanta lagu waday  xaflad balaaran ooo lagu dhaarin lahaa Xubnaha Golaha Guurtida Dowlad Goboleedka  Koonfur Galbeed soomaaliya  ayaa ku yimid dib u dhac,ka dib markii siyaasiyiin& waxgarad laga sugaayey muqdisho ay soo yara dib dhaceen.

Gollahaan Guurtida   ee  Odayaasha KG soomaaliya oo ka kooban  ku dhawaad 60 Xubnood ee dhawaan la soo xulay ayaa lagu wadaa in maalinta beri ah ay dhacdo Xaflada lagu dhaarinayo.

Dib u dhacaan oo maanta ku yimid dhaarinta Gollaha Guurtida ayaa loo sababeynayaa in qaar kamid ah Gollaha howlo shaqo ah ugu Maqanyihiin Magaalada Muqdisho, lana filayo inay beri soo gaaraan Magaalada Baydhabo.

dhan kale waxa Maalinta  beri kusoo wajahan magaalada Baydhabo janaay ee caasimada Dowlada KG soomaaliya,  Xildhibaano iyo Siyaasiyiin  si weyn looga yaqiino Hoyga soomaaliya oo hogaaminayo Xildhabaan Sheekh Aadan Madoobe iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil.

War hoose oo ay heshey Shabakadda Idale News Online (INO)  isla markaana aan la shaacin ayaa sheegaya in C/laahi Sheekh Ismaaciil iyo Sheekh Aadan Madoobe  iyagana ay kamid yihiin Musharixiinta u taagan qabashada jagadda Madaxtinimda  Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo dhaan loo tartami doono.

SHIRKA  BADYHABA

xasan basha

Idale News Online, Baydhaba Janaay.