Maamulka DegmadaXudur ee Gobolka Bakool oo wacad ku maray in Alshabaab ay ka saarayaan halkaasi

0
249

Maamulka degmada Xudur ee gobalka Bakool ayaa ku goodiyay inay ka saari doonaan Alshabaab deegaannada ay ka joogaan gobalkaasi oo ay ugu horreyso Xudur.

Magaalada Xudur waxaa hadda ka arrimiya Alshabaab waxaana hadda maamulkii degmadaasi uu joogaa degmada Ceel-barde ee isla gobalka Bakool.

Maxamed Macallin waxa uu sheegay inay weerar ku qaadayaan degmada Xudur oo ay ka saarayaan Alshabaab isagoo intaas ku daray in iminka ay dhibaato ku hayaan shacabka ku nool degmadaasi.

Waxa uu sidoo kale guddoomiyaha Xudur oo hadda ka maqan magaaladiisa uu sheegay in waqtiga ugu dhow ay gacanta u soo gali doonto magaalada.

Qorshaha ay ka leeyihiin mar uu soo hadal qaaday ayuu tilmaamay in magaalada Xudur ay ku wajahan yihiin todobaadyada ina soo aadan.

Xudar Hadama
Idale News Online, Bakool