Daawo: Barnaamijka Dood wadaag oo aad u xiiso badan, kasoo Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud Su’aalo dhowr ah lagu weydiiyey

0
215

Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud  ayaa  markii ugu horeysay soo fariistay barnaamijka dood wadaag ee Universal TV oo Muqdisho ka socday ayaa waxaa lagu weydiiyey su’aalo badan oo ay dadweynaha qabeen.

Barnaamijka Dood Wadaag oo  laga soo horumariyey habeenkii uu bixiyey oo ah arbacada ayaan la ogeyn ujeedada ka danbeysay in sidaasi la sameeyo, iyaddoo dadka siyaasada  ku xeeldheer ay ku sheegeen inuu ahaa barnaamij uu madaxweynaha ugu gogol-xaarayo in baarlamaanka kalsoonida siiyaan xukuumadda cusub.

Waxaana dhici karta in barnaamijka loo soo horumariyey in arbacada ay tahay maalinta codka kalsoonida loo qaadayo xukuumada cusub, taasi oo dib dhaafeysa fariinta uu la sugi waayey habeenkaasi Madaxweynaha ee ku aadan baarlamaanka Soomaaliya.

Xukuumadda cusub ayuu ku sheegay inay tahay mid lagu dhisay wadatashi badan oo ay wadayeesheen isaga iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, islamarkaana ay wasiirada u badiyeen qancinta wax uu ku sheegay qabiilada Soomaaliyeed inay iska dhex arkaan.

MA IS-CASILEYSAA HADDII XUKUUMADAN LABAAD FASHILANTO?

Su’aalaha la weydiinayey madaxweynaha oo u badnaa kuwa si gaar ah loo soo diyaariyey oo aysan ka muuqan kuwa taabanaya dhaliilaha hogaanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa madasha dooda mar kaliya badelay abwaanka weyn ee Abdi Shire Jamac, taasi oo ah in xukuumadii hore ee Saacid la riday, haddana midda uu soo dhisay oo saluug badan laga qabo haddii ay socon weyso uu diyaar u yahay inuu isaga markaasn IS-CASILO.

Xasan Shiikh Maxamuud ayaa uga jawaabay su’aashaasi in is-casiladiisa ay ku xiran tahay marka hore in la isweydiiyo  meesha qaladka uu ka jiro ama fashilka. Haddiina uu dhankiisa noqdo uu diyaar u yahay inuu IS-CASILO. Laakiin waxaa uu sii daba dhigay in haddii xukuumada iyo golaha wasiirada ay fashilkaasi yeeshaan inay iyaga meesha ka bixi doonaan oo uusan isaga meesha ka bixi doonin.

” Xukuumadan labaad haddii fashil soo wajaho , oo fashilkaasi aan aniga leeyahay waxaan diyaar u ahay in aan IS-CASILO, maxaa yeelay wixii qalad aan leeyahay wax ku xumaadaan waan ka baxayaa meesha, laakiin haddii xukuumadda qaladkaasi iyo fashilkaasi yeelato, hadde aniga meesha kama baxaya ee cidda mas’uuliyadaasi leh ayaa ka bixi doonta meesha” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud.

doodMuqdisho

Idale News Online