Daawo Sawirada: Xildhibaanada oo loo qaybiyay qorshaha Xukuumada cusub.

0
212

xukuumada Ra’iisal Wasaare C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa waxay maanta Baarlamaanka Federalka ay horgeysay, qorshaha lagu wado in ay ku hawlgasho Xukuumadiisa.

Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa galabta, caawa ilaa beri subax soo akhrisan doono Ajandaha Xukuumada cusub ee maanta loo qaybiyay Xildhibaanada Baarlamaanka.

Duhurnimada berito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka doodaan Ajandaha maanta loo qaybiyay, si ay u muujiyaan aragtidooda.

Sidoo kale maalinta berito ah, ayaa waxaa lagu wadaa in Ra’iisal Wasaaraha Somaliya uu horyimaado Golaha Xarunta Shacabka, marka ay socoto dooda Xildhibaanada ee ku aadan Xukuumada.

ged43ged42ged40

Idale News Online, Muqdisho