Marwada Koowaad ee dalka Faransiiska Valerie Trierweiler ayaa laga saaray isbitaal ku yaala magaalada Paris kadib markii ay isbitaal la gashay naxdin ka dalatay maseyr aad u ba’an oo haleelay.
Shakhsi ku dhaw afada M/Weynaha ayaa wakaalada wararka u baahisa dalka Faransiiska u xaqeeqjiyay warka la xiriira Isbitaalka laga saaray haweeneydaasi.
Haweeneydaan oo uu qabo M/Weynaha dalka Faransiiska Faransuwaa Holland ayaa xustay inaysan aqbali karin wararka ay baahisay majalada ka soo baxda dalka Faransiiska ee Xusaya inuu xiriir la leeyahay agtarad Julie Gayet .
waxaana dhawaan saxaafada caalamku baahiyeen muuqaalo muujinaya madaxweynahan oo la galmoonaya haweeneyda aktarada ah, taas ayaana dhalisay in xaaskiisu koomo gasho.
M/Weynaha Faransiiska ayaa aad uga carooday arintaasi , wuxuuna tilmaamay inuu maxkamad la tagayo wariyaasha sidaas u fadeexeeyay.
M/Weynuhu ma uusan dafarin in xiriirka kala dhaxeeya haweeneyda labaad hasa ahaatee wxuu xusay in laga badbadiyay arinta.
M/Weynaha ayaa dhawaan isbitaalka ku booqday afadiisa kadib maalma dhowr ah oo uusan u tagin.
Ubax iyo hadiyado kala duwan ayuu u dirayay maalmaha uusan isbitaalka ugu tageynin.
Idale News Online