Raisalwasaare Cabdiweli oo ku dhawaqay golihiisii Wasiirada Filo dhowan Magacyada iyo Qabiilada goordhow.
Waxaa goobta ku dhawaaqista magacyada golaha wasiiirada aan joogin madaxweynaha Somalia iyo gudoomiyaha barlamaanka oo iyagu loo maleynaayo inay saluugsan yihiin golaha cusub ee uu soo magacaabey Wasiirka koowaad ee golaha wasiirada.
Dhanka laga xusi karo golahaan waxaa ka mid ah
- Wasiirka Amniga Qaranka oo loo magacaabey C/kariin Xuseen Guuleed – Hawiye/ Habar Gidir Sacad
- Wasiirka Arrimaha Gudaha, C/laahi Goodax Bare – Hawiye Xawaadle
- Wasiirka Haweenka Khadiijo Max’ed Diiriye – Beesha 5aad
- Wasiirka Warfaafinta Mustaf Dhuxuloow – Hawiye/Murursade
- Wasiirka Garsoorka, Faarax C/qaadir – Beesha 5aad
- Wasiirka Gaashaandhiga, Jeneraal Max’ed Sheekh Xasan oo horey u ahaa taliyihii Nabadsugida Qaranka xiligii dowladii Sheikh Shariif- Mirifle/Sagaal/Jilible
- Wasiirka Maaliyada, Xuseen Xalane oo horey u ahaa wasiirkii Maaliyada ee xukuumadii Sheikh Shariif – Daarood/Ogaadeen
- Wasiirka Dastuurka iyo Federaal