Al shabab oo Ganacsato ka afduubay Xudur, kuna dilay Diinsoor.

0
272

Maxamed Macalin Axmed, Gudoomoyaha Dibad-Joogga ah ee Degmada Xudur ayaa xaqiijiyay Dilka Ganacsatada, wuxuuna intaasi ku daray in uusan garanayn Sababta Kooxda Al shabab ay Dadkaasi uga afduubeen Xudur, uguna toogteen Diinsoor.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale tilmaamay in Dadka Shacabka ah ee Degmada Xudur ay soo foodsaartay Cabsi iyo Dhibaatooyin xooggan, kadib markii Kooxda Al shabab ay bilaabeen in ay Dadka kala baxaan Guryahooda islamrkaana ay iska dilaan, iyadoo aan Sabab jirin.

“Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, xaqiiqdii hadda waxaa ka jira Dhibaatooyin kala duwan oo ay Kooxda Al shabab Dadka Deegaanka ay ku hayaan, waxaan leeyahay Dadka Dulqaato, dhowaan Dowalddiina ayaa adiin imaan doonta,” ayuu yiri Gudoomiye Maxamed Macalin.

Ma jirto wax War ah oo Al shabab kasoo saareen Sababta ay Ganacsatada uga soo afduubeen Xudur,uguna dileen Diinsoor.

Degmooyinka Xudur iyo Diinsoor,waxa ay kamid yihiin Goobaha ay Kooxda Al shabaab ka taliyaan Gobolada Baay iyo Bakool, kuwaasi oo hadda ay Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay qorsheynayaan in ay kala wareegaan Kooxda.

tikniko_2

Idale News Online, Xudur.