Baydhabo:-Guddiga Dastuurka ayaa maanta Ergooyinka sameynta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya u akhriyay Nuqul kamid ah Dastuurka Cusub ay yeelan doonto dowlada K/galbeed.
Gudoomiyaha guddiga Datuurka Dr. Maxamed Cali Xaamuud iyo gudoomiye ku xigeen C/rashiid Ducaale ayaa si qodob qodob ugu akhriyay Ergooyinka Shirka Dastuurka Cusub ee Dowlad Goboleedka K/galbeed.
Qodobada maanta loo akhriyay Ergooyinka ayaa waxa ay quseeyeen Gollaha Sare ee Odayaasha ay yeelan doonto dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Idale News Online, Baydhabo Janaay.